XOG MUHIIM AH: sawirada iyo magacyada wakiilo Magafe u qaabilsan Soomaaliya oo la helay

by Hussein Mohamed | Friday, Jun 9, 2017 | 335 views

Magafe oo ah nin ka soo jeeda dalka Liibiya ayaa muddo dheer dhibaato joogto ah ku hayay Soomaalida u tahariibta qaarada Yurub,isaga oo weli xabsiyo u gaar ah ku heysta dhalinyaro badan oo Soomaali ah iyo kuwa ka soo jeeda dalal kale.

Ninkan ayaa la aaminsan yahay inuu shabakado balaaran ku leeyahay gudaha Soomaaliya kuwaas oo lacagaha uga soo qaada qoysaska dadka uu Magafe qabsado ama waxay kala shaqeeyan sidii dhalinyarada Soomaaliyed gacanta loogu gelin lahaa kooxda Magafe.

Wariye Yassin Juma oo ah saxafi Kenyan ah balse muddo dheer ka soo waramayay Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay sawirada iyo magacyada laba nin oo wakiilo u ah Magafaha Liibiya.

Sawirada hoose waxay ku tusayan Magafe oo wiil Soomaali u eg ceejinaya midna madaxa lugta ka saaraya,sawirada kale waxay ku tusayan Xuseen Geedi oo ah wakiilka Magafe ee magaalada Muqdisho iyo nin magaciisa lagu soo koobay Ayjalam oo ku sugan magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland.

Beryahan waxa baraha bulshada ku faafay muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysan dalka Liibiya,kuwaas oo gacanta ugu jira kooxda Magafe.

Qaar kamid ah kuwaas waxay u waramen suxufiga caanka ah ee Salman Jamaal Saciid oo barta Facebook ku leh taageero badan,waxa uuna bartiisa u adeegsada inuu ku faafiyo dal jaceylka iyo wararka kale.

Muuqaalka hoose ayaa ku tusaya qaar kamid ah Soomaalida ku xiran Liibiya oo codsi u diraya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Soomaali badan ayaa badda ku dhintay sanadihii ugu dambeeyay,qaarkood waxay si dhib ah kaga soo baxsaden dhibaatada uu dadka ku hayo Magafe.

Ugu yaraan 400 oo Soomaali ah oo tahriibeysay ayaa badda ku daadatay oo dhimatay horaantii bishii April ee sanadkii hore kadib markii ay doonta qaadi weysay dadkii saarnaa,taas ayaana noqotay musiibadii ugu darneyd ee sanadkas ka dhacday badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Libya iyo Talyaaniga.

Like it? Share it!

Leave A Response