Wasaarada Gaashaandhiga oo sheegtay in la xoojinayo Ciidamada Xooga.

by Abdirashid Wanajiye | Sunday, Oct 8, 2017 | 77 views

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan la joogo waqtigi ay xoogeeysan lahaayeen ciidamada dowladda.

C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaciyay in haatan ay wadaan qorshe balaaran oo lagu xoojinayo dhismaha ciidamada Xooga dalka.

Waxa uu tilmaamay in uu dhawaanahaan ku sugnaa qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in xiligaan loo baahanyahay in la taageero Ciidamada Qalabka sida.

Like it? Share it!

Leave A Response