Warbixin: Qaadka ma quud baa mise waa qasaaro.

by Abdirashid Wanajiye | Tuesday, Oct 10, 2017 | 83 views

Sida caadiga ah oo aynu lawada socono magaalada Muqdisho iyo gobolada dalkan Soomaaliya waxaa ka soo daga Qaadka maalin walba.

Dhalinyaro iyo dad waa weeyn ayaa isticmaala qaadka, halka qaar kalana oo ay haween ku jiraan ay ka ganacsadaan.

Waxaa jira dhibaatooyin badan uu geeysto qaadka, waxaana ka mid ah in qooysas fara badan uu sabab u naqday bur burkooda.

Maalintii qofka ugu yar oo qaad soo iibsada waxa uu kuu sheegayaa in uu kasoo bixiye lacag gaareeysa 10 doolar, taas oo micnaheedu yahay in maalin walba uu lacagtaas ku iibsado.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in ay ka sameeyaan dhaqaale badan ka ganacsiga qaadka oo ay reerahooda ku biishaan.

Waxaad arkeeysaa inuu isbadal xoogan ku dhacayo qofka isticmaala qaadka hadii uu maalin qura waayo.

Dhafar fara badan iyo adigoo ka taga waajibaadka salaada ayuu leeyahay cunista qaadka oo haatan ganacsigiisa uu ku sii balaaranayo gobolada dalka.

Sidokale waxaa jira caruur yar yar kuwaas oo dhibaatooyin kala kulma goobaha lagu iibiyo qaadka.

Hadaba malaga yaabaa in sanadaha soo socda Qaadka cunistiisa iyo ka ganacsigiisaba laga waayo guud ahaan dalka Soomaaliya?.

Like it? Share it!

Leave A Response