Taliye Cirfiid oo maanta gaaray Deegaanka Bariire.

by Abdirashid Wanajiye | Monday, Oct 9, 2017 | 49 views

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “ Cirfiid ”
ayaa barqanimadii maanta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha ayaa waxaa deegaanka bariire ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan halkaasi.

Waxaa lasoo warinayaa in sababta ugu weeyn ee maanta uu u gaaray Taliyaha in ay tahay weerarada soo noq noqday ee dhawaanahaan lagu qaadaye deegaanka Bariire.

Maal mihii ugu dambeeyay rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxa ay weeraro xoogan ku qaadayeen Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response