Shirkad duulimaad oo bilowday xeelad ka dhan ah xayiraada labtopyada ee uu soo rogay Trump

by Hussein Mohamed | Monday, May 1, 2017 | 91 views

Qatar Airways ayaa sheegtay inay bixinayso adeegga kombiyuutarka Laptop-ka, kaasoo loogu tala galay rakaabka u safraya Maraykanka, si xal loogu helo xayiraaddii uu Maraykanku ku soo rogay qalabka elektronigga ee duullimaadyada qaar.

Waxa xayiraaddan ay qabanaysa wixii qalab elektronig ah ee ka weyn telefoonnada casriga ah (smartphone), ee ku imaanaya 9 shirkad dayuuradeed oo ka shaqeeya 10 garoon oo ku yaalla bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Turkiga.

Waxaa ku jira shirkadaha Qatar Airways, Etihad, Emirates iyo Turkish Airlines oo sameeya duullimaadyada dhaadheer ee tooska ah ee ay badi raacaan dadka shaqooyinka ama ganacsiga u socda, kuwaasoo aan kombiyuutarradooda isticmaali karin inta duullimaadka lagu guda jiro.

“Macaamiisha waxaan u suurto gali doona inay dukumentigooda ku soo ritaan USB inta aysan dayaaradda soo fuulin, ka dibna ay halkaas ka sii wataan hawshooda iyagoo isticmaalaya labtobyada aan dayuurada gudaheeda ugu diyaarinay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Qatar Airways.

Dayuuraddu waxay kaloo bixinaysaa Wi-Fi bilaash ah oo rakaabka oo dhan ay isticmaali karaan muddo saacad ah, iyo internet duullimaadka inta lagu jiro oo dhan uu isticmaali karo oo kaliya qofkii baxsada $5 dollar.

Like it? Share it!

Leave A Response