Reer Muqdisho oo markale calanka is cafis sare u qaaday

by Garsoor | Sunday, Jan 13, 2019 | 138 views

Reer Muqdisho oo markale Calanka CAFIS sare u qaaday
 
Muqdisho 11.1.2019
 
Ku dhowaad saddex sanno ka hor ololaha CAFISKA Soomaaliyeed oo ay billaabeen Suxufiyiin, aqoonyahanno iyo nabad-jirayaal Soomaaliyeed ayaa waxaa uu hadda gaaray sida uu sheegay Wali Xaashi oo ah fikradda Ololahan shakhsigi keenay heer la xakameyn waayo Shacabka Soomaaliyeed ee isugu soo baxaya goobaha Cafiska Soomaaliyeed. https://www.youtube.com/watch?v=uWhWB4mhRGU&t=74s
 
 
”Waxaa marqaati ah in Muqdisho ay maanta muujisay sida ay ugu heelantahay garab istaagista iyo taageeridda Ololaha Cafiska Soomaaliyeed, kaddib markii ay martigelisay Muxaadarada CAFISKA ee marti-sharafka soo jeediyana uu ugu horreeyo Sheekh Kenyaawi Allaha isaga iyo ehekiisaba xafidee.” Sidaas waxaa yiri Wali Xaashi oo ah horseedka iyo hoggaamiyaha Kooxda Cafiska Soomaaliyeed. https://www.youtube.com/watch?v=TalxYuzhZcM&t=40s
 
 
”Kooxda CAFIS waxey qirayaan in qeyb weyn oo kamid ah waajibkoodi ay maanta guteen, kaddib marki Soomaalida dareensiyeen muhiimadda CAFISKA iyo isu-caloolfayoobaanshuhu leeyahay.” Ayuu Wali hadalkiisi ku sii daray. https://www.radiomuqdisho.net/diyaar-garowga-ololaha-cafis-oo-si-habsami-leh-uga-socda-soomaaliya-sawirro/
 
”Baaqa kooxda CAFIS waa in Culimada Soomaaliyeed ay ku daydaan Sheekh Kenyaawi iyo inta la midka ah oo ah wadada kaliya ee noo furan ay tahay ”iscafin.” Sidaasi waxaa yir Cabdi Muuse oo kamid ah aas-aasayaasha Ololaha CAFISKA Soomaaliyeed. https://www.radiomuqdisho.net/daawo-xuska-maalinta-cafiska-soomaaliyeed-oo-xalay-lagu-qabtay-magaalada-gaalkacyo/  
 
Sheekh Kenyaawi oo ah aqoonyahan diinta Islaamka ayaa wuxuu aqoontaas ku darsaday aftahannimo uu ku soo jiito dadka uu la hadlayo. https://www.wadaninews24.com/2018/06/28/maamulka-baydhabo-oo-ka-hadlay-xuska-28ka-june-ee-maalinta-cafis/
 
Kooxda CAFIS ee magaalada Muqdisho ayaa waxey sheegeen in Muxaadaradi CAFISKA ee Shiikh Kenyaawi ku qaban lahaa Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho ay baaqatay kaddib markii la xakameyn waayay tirada dadka doonayay in ay ka soo qeybgalaan, sidaas darteed waxaa dib loo dhigay muxaadarada CAFISKA, balse dhowaan ayaa la shaacin doono goobta lagu qabanayo iyo goorta la qabanayo.
 
Ka sokow doodaha iyo dukumentaariyada ku saabsan Ololaha CAFISKA Soomaaliyeed iyo sida ay Soomaalidu heer shakhsi isu cafisay waxey kooxda Ololaha CAFISKA Soomaaliyeed ku guuleysteen qorsheynta, asteynta iyo weliba hirgelinta Maalinta CAFISKA Soomaaliyeed. Maalinta CAFISKA Soomaaliyeed waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba laga xusay marki ugu horreysay 28.6.2018.
 
”Sameynta Maalinta CAFISKA Soomaaliyeed waxaa loo soo maray marxalado badan waxaana laga talo-geliyay dad badan oo aqoon u leh Saxaafadda, nabadeynta iyo weliba Diinta Islaamka oo muhiimad gaar ah siisay CAFISKA iyo waxyaabaha la xiriira ee xala ama nadiifiya ciilka iyo cuqdada dadka Muslimiinta ah soo kala dhexgala” Cabdi Muuse oo ka hadlayay marxaladaha uu Ololaha CAFISKU soo maray ayaa sidaas sheegay. https://www.youtube.com/watch?v=mHtcd1hZHy4
 
Soomaalida oo lagu tilmaamo in ay dhaqan u leeyihiin ad-adayg iyo col-ujoognimo ayaa waxaa soo kala dhexgalay tuhun, kalsoonidaro iyo weliba is aaminid la’aan ka sokow dagaalada lagu hoobtay ee dadka dalkaba diihaaliyay. Dhaqankaas ayaa sida ay khubaro badan qabto waxaa looga gudbi karaa in la badiyo iscafinta iyo isu-garaabista marka uu dhib kala gaaro dadka meel wada-degan.  https://www.youtube.com/watch?v=uWhWB4mhRGU&t=74
 
Waxaa kale oo ay khuburadan qabaan in heshiisiinta siyaasiyiinta iyo awood-qeysiga maamul lagu barbar-wado heshiisiinta shakhsiyaadka oo ah aasaaska joojinta colaadaha soo noqnoqda ee aan illaa iyo hadda xal kama dambeys ah loo helin.

Like it? Share it!

Leave A Response