Ra’iisul wasaare khayre iyo xubnaha guddiga dib u eegista dastuurka oo wada kulmay.

by Abdirashid Wanajiye | Sunday, Oct 8, 2017 | 69 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarunta Aqalka Sare waxa uu kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in guddiga ay kawada hadleen sidii loo dar dar gilin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Sidokale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeeynta wanaagsan ee kawada dhexeeysa xubnaha guddigaan.

Maanta ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirweeynaha qaran ee dib u eegista dastuurka dalka, kaas oo lagu waday in uu muqdisho ka furmo.

Like it? Share it!

Leave A Response