Qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo dilay in ka badan 30 qof

by Garsoor | Friday, Nov 9, 2018 | 79 views

Ugu yaraan 30 qof ayaa Ku dhimatay seddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Laba kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay illinka hore ee hotelka Saxafi iyo xarunta dambi baarista ee CID halka mid kalena uu dhacay wada yar oo marta dhabarka dambe ee hoteelka.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa Milkiilihii hoteelka Saxafi Cabdifitaax Cabdirashiid Ilqeyte oo ganacsigan kala wareegay aabihiis Cabdirashiid Ilqeyte oo isagana lagu dilay weerar ay Al Shabab Ku qaaden hoteelka Saxafi 2015-kii.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay masuulliyadda qaraxyadan.

Hey’addaha ammaanka waxa ay sheegen in la toogtay afar qof oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response