Qaban qaabada xaflada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo socota

by Hussein Mohamed | Monday, May 1, 2017 | 162 views

March 21 (galhareeri)— Waxaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socota qaban qaabadii u dambeeyay ee munaasabada lagu magacaabayo Golaha Wasiirada, iyadoo Saxaafada loo yeeray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow la filayaa inuu ku dhawaaqo Golihii Wasiirada ee laga sugayay, waxaana Xukuumaddan ay noqon doontaa mid wajiyo cusub ay ka dhex muuqdaan.

Xalay ayay aheyd markii ay dib u dhacday ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada, waxaana mar loo yeeray Wariyeyaasha, ayaa hadana lagu wargeliyay inay iska baaqdaan.

Golaha Wasiirada ayaa maalmihii la soo dhaafay hareeyay muran ka yimid shaqsiyaad ay kala wateen madaxda, iyo qaabka awood qeybsiga xilalka

Waxaa la filayaa in markii u horeysay uu is bedel ku yimaado sida beelaha loogu qeybin jiray xilalka ugu muhiimsan ee Golaha wasiirada.

Dad badan ayaa isha ku haya Liiska Golaha Wasiirada ee soo bixi doona, waxaana magacyada qaar dadka isla dhex marayeen baraha bulshada.

Ku dhawaaqsita Golaha Wasiirada ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sagaal cisho ay u harsan tahay mudada laga sugayo in Baarlamaanka ku horgeeyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumaddiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response