Neymar oo tijaabadda Caafimaad ku maray Magaaladda Porto iyo PSG oo saacadaha ……….

by Mohamed | Thursday, Aug 3, 2017 | 83 views

Neymar ayaa tijaabada caafimaad ee Paris Saint-Germain ku mari doona dalka Portugal, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka France.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa haatan ku sugan Magaaladda Porto  waxaana saacadaha soo aadan ee maanta uu si rasmi ah u gaari doonaa magaaladda Paris ee dalka France.

Weeraryahankan ayaa dhawaan saaxiibadiisa Barcelona ku wargaliyay inuu doonayo ka tagitaanka kooxda, ciyaaryahankan ayaana kusii dhawaanaya kamid noqoshada ciyaaryahanadda PSG.

Neymar ayaa soo bandhigay sawirro xalay isaga oo diyaarad qaas ah ay ka dejisay Magaaladda  Porto ee dalka Portugal halkaas oo tijaabadda uu ku marayo.

Wararkii ugu dambeeyay oo wargeyska reer France ee  L’Equipe lagu daabacay ayaa lagu sheegay in Neymar uu ku baasay tijaabadda Caafimaad waxaana ay soo xiganayaan Dhaqaatarka PSG doctor Dr. Eric Rolland iyo isku xerka ciyaaraha kooxda ee Maxwell.

Sikastaba, PSG ayaa ciyaaryahankaasi kula wareegeysa aduun lacageed gaaraya £199m waxaana todobaadkii mushaar ahaan uu u qaadan doonaa £520,000 marki laga reebo lacagaha canshuuraha.

 

Like it? Share it!

Leave A Response