Neymar oo beri Tijaabadda Caafimaad u maraya PSG

by Mohamed | Monday, Jul 31, 2017 | 64 views

Weeraryahanka Barcelona Neymar ayaa la werinayaa in tijaabadda Caafimaad uu magaaladda Doha beri oo Talaado ah uu ugu mari doono Paris Saint-Germain, Sida ay werisay Majaladda Al Watan.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa mudo lala xeriirinayay kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 club, waxaana wararku ay sheegayaan in heshiiska laacibkani lagu dhawaaqi doono Arbacadda.

PSG ayaa Neymar waxaa ay ku dooneysaa aduun lacageed gaaraya €222 million waxaana kullankii El Classico la weriyay in uu si qarsoodi ah ku macsalaameeyay Saaxiibidiisa ay isku dhow yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response