Nemanja Matic oo si dhameystiran ugu biiray Man United+ Numberka loo xeray Xiddigan

by Mohamed | Tuesday, Aug 1, 2017 | 84 views

Manchester United ayaa xaqiijisay inay dhammeystirtay saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic.

Laacibka oo 29 jirsaday maanta oo ah 1-da Agoosto ayaa ugu soo biiray Old Trafford heshiis saddex sano ah oo leh dooq uu hal sano oo dheeri ah ugu darsan karo kaddib markii uu 121 kulan u soo saftay Blues Premier League isla markaana u dhaliyay 4-gool.

Man United ma aysan shaacin beesada ay kala baxday Matic laakiin Goal ayaa fahansan inay kooxdu ogolaatay 40 milyan oo bound si ay uga soo kaxeysato Stamford Bridge.

Matic ayaa 30 kulan lagu soo bilaabay xilli ciyaareedkii ugu horreeyay uu Conte qabto Chelsea, iyadoo maalmihii dambe inta badan la ciyaarsiinayay Fabregas.

Xiddiga reer Serbia ayaa naadigiisa cusub u xiran doono No. 31, waxaana la aaminsan yahay in uu wax badan u qaban doono kooxdiisaa cusub ee Man United.

Sikastaba, Matic waa saxiixii Seddaxaad oo United ay lasoo wareegto xagaagan kadib 75m oo ay kusoo heleen Lukaku iyo £31m oo ay kusoo iibsadeen Victor Lindelof.

Like it? Share it!

Leave A Response