Muran xoogan oo weli ka taagan qaabkii loo soo xulay ciyaartoyda degmada Shibis ee koobka degmooyinka gobolka Banaadir

by Hussein Mohamed | Tuesday, Aug 1, 2017 | 185 views

Muran iyo is qabqabsi weyn ayaa weli ka taagan qaabkii loo soo xulay ciyaartoyda sanadkan ma taleysa degmada Shibis ee gobolka Banaadir kadib markii ciyaartoy badan laga keenay degmooyin kale.

Ku dhawaad 5 ciyaaryahan ayaa ka gadooday tababarka kooxda degmada taas oo timid markii ay isku dhacen tababare ku xigeenka degmada,Govinda,oo kooxda ku soo daray dad uu isaga watay.

Gudoomiyaha degmada Shibis,Safiyo Xasan sheekh Cali oo dacwado arintan la xiriira ay gaaren,waxay laba cisho oo xiriir ah la kulantay qaar kamid ah ciyaaryahanadii gadooday iyo xubno ka tirsan guddiga ciyaaraha ee degmada.

Tababaraha cusub ee degmada Shibis,mudane Liish, oo hore u soo noqday tababarihii degmada Boondheere ee koobka kula guuleystay ayaa maanta la filaya inuu soo gaaro Muqdisho si murankan loo dhameeyo.

Gudoomiye Safiya Xasan sheekh Cali ayaa ka dalbatay ciyaartoydii gadooday iney degmada ku soo laabtan kana qeybgalan tababarka kooxda.

Ciyaaryahanada sanadkan ugu cad cad degmada Shibis waxa kamid ah Axmed Cabdi Cali oo loo yaqaano Kabaay oo hore Boondheere kula soo guuleystay koobkan iyo goolhayihii hore ee degmadasi oo magaciisa lagu soo koobay Sakariye.

Ciyaartoyda Shibis ee hadda ku jira tababarka oo maanta la ciyaaraya kulan tijaabo ah degmada Kaaran waxay qaarkood aad uga soo horjeedan qaabka loo soo xulay kooxdan.

Koobka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filaya in maalinta Jimcaha uu ka furmo garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response