Mbappe oo ku wargeliyay Monaco iney iska iibiyaan

by Mohamed | Thursday, Aug 3, 2017 | 60 views

Weeararyahanka Monaco Kylian Mbappe ayaa ku wargeliyay kooxdisa in uu doonayo in xagaagan la iska iibiyo, sida ay baahisay majaladda reer France ee  L’Equipe.

Da’yarka reer France ayaa dooqa koowaad u ah kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub waxaase Monaco  ay ku fikireysa in ay sare u qaado lacagaha lagu ibinayo ciyaaryahankaasi kadib markii la shaaciyay in lagu iibsanayo €222m ciyaaryahan.

Xiddiga Kylian Mbappe  ayaana bartilmaameed weyn u ah kooxaha Real Madrid, Manchester City and Paris St-Germain, laakin Kylian Mbappe ayaa la fahamsan yahay inuu si aad ah u xiiseynayo kooxda uu yaraantiisa taageeraha u ahaa ee REal Madrid.

Like it? Share it!

Leave A Response