Man United oo ku dhow in ay sameyso saxiixeeda 4-aad ee Xagaaga

by Mohamed | Wednesday, Aug 2, 2017 | 84 views

Manchester United ayaa sare u qaadeysa xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara kooxda Anderlecht ee Leander Dendoncker, sida ay werisay Manchester Evening News .

Jose Mourinho ayaa horumar wacan u arkan lasoo wareegitaanka 22-sano-jirkan reer  Belgian waxaana uu xagaagii hore soo bandhigay ciyaar aad loo jecleestay.

Qiimaha lagu iibsan karo ciyaaryahanka Anderlecht ayaa lagu qiyaasi karaa  £22 million ilaa  £31m waxaana uu kamid yahay bartilmaameedka ugu weyn suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadda ee xagaaga.

Like it? Share it!

Leave A Response