Madaxweyne Farmaajo oo Markii ugu horeeysay u safraya Puntland

by Abdirashid Wanajiye | Saturday, Jan 6, 2018 | 226 views

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee tan iyo markii uu madaxweynaha noqday Maalinta Bari oo Axad ah ku tagaya Magaalada Garoowe.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaasi oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeeybgali doono Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay Markii uu Madaxweyne Gaas ku guuleeystay madaxweynaha puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceeysa Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Waxa uu u safri doonaa Magaalada Qardho halkaasi uu kula kulmi doono Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweynaha Ayaa sida qorshahu yahay waxa uu safarkiisa ku soo gaba gabeeyn doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qaban qaabada Soo dhoweeynta Madaxweynaha ayaa si aad ah looga dareemayaa Deegaanada Puntland waxaana sawirka madaxweynaha lagu xardhay magaalooyinka Puntland.

 

Like it? Share it!

Leave A Response