Madaxweyne Farmaajo oo berito ku wajahan Itoobiya

by Garsoor | Thursday, Nov 8, 2018 | 151 views

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa berito u amba baxaya dalka Itoobiya,sida uu sheegay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyadda Soomaaliya.

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda ayaa qoraal uu soo dhiggay bartiisa Twitter waxa uu Ku sheegay in madaxweynuhu uu berito safar u yahay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona madaxweynaha Eritareeya Isias Afwerki iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankasi waxaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii iskaashigga dhaqaalaha ee ay madaxdan Ku saxiixden magaalada Asmara laba billood ka hor.

Like it? Share it!

Leave A Response