Maamulka Hirshabeele oo ka digay fatahaada wabiga Shabeele.

by Abdirashid Wanajiye | Tuesday, Oct 10, 2017 | 25 views

Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa haatan digniino xoogan ka bixinaya fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeele.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen ” Cali guudlaawe ” ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas in ay iska ilaaliyaan Fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeele.

Sidokale waxa uu tilmaamay in xiligaan cabsi xoogan ay jirto dadkana laga doonayo in ay xaaladaas la socdaan.

Wabiga Shabeele ayaa dhowr jeer sameeye Fatahaado Qasaarooyin kala duwan geeystay.

Like it? Share it!

Leave A Response