Kooxo hubeeysan oo dil u geeystay qof shacab ah.

by Abdirashid Wanajiye | Monday, Oct 9, 2017 | 26 views

Kooxo ku hubeeysan bistoolado ayaa waxa ay arroornimadii hore eemaanta dil u geeysteen qof shacab ah oo marayay xaafada Cali turcaaye ee degmada Hiliwaa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan, waxaana kadib meeydkiisa lagu arkay xaafada.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay qofkaas shacabka ah, balse maal mihii ugu dambeeyay dilalka qorsheeysan ayaa waxa ay caadi ka noqdeen magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response