Kooxa Hubaysan oo Wadaad Caan ah ku Toogtay Duleedka Muqdisho.

by Maxamed Daacad | Friday, Jul 13, 2018 | 206 views

Rag hubeysan ayaa saakay waxa ay duleedka Magalada Muqdisho ku dileyn Nin Oday ah,kadib markii ay wadada u galeyn Gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen,waxana Ninkaas lagu Magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim,waxana eheladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay Gaari NOHA ah,isla markaana ay rasaaseeyeen Rag watay Mootada loo yaqaano dhug dhugleyda,isla markaana ay baxsadeen.

“Isaga oo maraya meel u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa lagu lagu hor jaray Mooto gaarigii uu watay.
Shiikha La dilay waxa la saarnaa laba Xaas uu qabay iyo Walaalkiis, rag watay mooto dhugdhugley ayaa Wadada u galay weyna baxsadeen,wuxuu ahaa Sheekh ka tirsan Culimada Suufiyada gaar ahaan Qaadiriyada ayuu yiri qof ka mid ah eheladiisa, oo Qaar Ka Mid ah Warbaahinta ay soo xigatay.

Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response