Janaraal Berhanu: Ma jirto Sabab ay Itoobiya Bad la’aan u sii ahaato

by Garsoor | Thursday, Nov 8, 2018 | 181 views

Xukuumadda Addis Ababa ayaa wada qorshe ballaaran oo ay Ku dhisayan ciidamaddooda badda iyada oo aysan Itoobiyana lahayd wax bad ah.

Janaraal Berhanu Julu oo ah taliye Ku xigeenka madaxa ciidamadda qalabka sidda ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay dalal badan Kala tala tashaneyso saldhig ciidamadda Cirka oo ay ka dhiseyso badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

” Ma jirto sabab ay Itoobiya usii ahaato bad la’aan,” ayuu yiri Janaraal Berhanu oo la hadlayay warabaahinta Itoobiya.

Dalka Itoobiya oo ay dadkiisu dhan yihiin 100 milyan ayaa u hanqal taagga kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa adeegsan jirtay dekeddaha dalka Jabuuti tan iyo markii uu billaawday dagaalkii kala dhaxeeyay dalka Eritareeya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa berito Ku wajahan dalka Itoobiya xilli ay Itoobiya ay qorshahan waddo.

Like it? Share it!

Leave A Response