Inter Milan oo dalab £35 million ka gudbineysa Sadio Mane

by Mohamed | Tuesday, Aug 1, 2017 | 78 views

Inter Milan ayaa qorsheyneesa in ay u dhaqaaqdo soo xero galinta ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara kooxda Liverpool ee .

Warsidaha Express ayaa daabacay in kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A ay ciyaaryahankan ku raadinayaan aduun lacageed gaaraya £35 million.

Tababare ayaa u muuqanaya mid waqtigan la kulmi karaya xaalad adag maadama dalabyo xoogan loo soo dirayo ciyaaryahanadiisa muhiimka ah, waxaa uu haatan ka baqdin qabaa in uu waayo Coutinho oo lala xeriirinaayo Liverpool.

Ciyaaryahankan garabka ka ciyaara ayaa Liverpool waxaa ay  £34m kaga soo iibsatay kooxda Southampton xagaagii hore waxaana durba uu saameyn weyn ku yeeshtay kooxda Tababare Klopp.

25-sano-jirkan, oo kullamadii dhamaadka xagaagan ka maqnaa kooxdiisa ayaa sanadkii hore Liverpool u dhaliyay 13 gool.

Like it? Share it!

Leave A Response