Fursad shaqo: Garsoor waxay raadineysaa wariye qoraa ah islamarkaana ku fiican baraha Bulshada

by Hussein Mohamed | Thursday, Nov 2, 2017 | 324 views

Shabakada Garsoor.net waxay raadineysa wariye qoraa ah oo bogga Garsoor ku soo qora wararka maalinlaha ah ee quseeya Soomaaliya.

Garsoor.net waxaa ka go’an iney aqristayaasheeda u soo bandhigto warar la hubo oo la xaqiijiyay,kuwaas oo aan cid gaar ah lagu weerarin,cid kalena aan lagu taageerin.

Xirfada Qoraaga

Suxufiga ku haboon booskan ka banaan Garsoor waa inuu si fiican u qori kara Af-Soomaaliga islamarkaana uusan boggan ku daabacin warar,maqaallo ama sawirro ay cid kale leedahay iyada oo uusan go’aan ka gaarin tifaftirka.

Doorka Qoraaga

Suxufiga/Qoraaga ku haboon booskan wax uu si maalinle ah u soo qori doonna wararka ugu waaweyn ee ka taagan Soomaaliya,isaga oo marwaliba ku xusaya warbixinadiisa ilaha iyo xigashooyinka uu isticmaalay.

Mushaarka Qoraaga

Garsoor.net waxay shaqadan ku bixineysa qiime u dhigmata,waxaana si gaar ah go’aan uga gaaraya tifaftirka Garsoor.

Haddaba si aad booskan u soo codsato warqad codsi ah (Application letter) iyo sooyaalkaga shaqo iyo waxbarasho (CV) ku soo dir garsoorn@gmail.com.

FG. Codsigan waxa uu ku egyahay 25 bishan November.

Like it? Share it!

Leave A Response