Faah-faahino kala duwan oo ka soo baxaya howlgalo laga sameeyay Muqdisho.

by Abdirashid Wanajiye | Monday, Oct 9, 2017 | 50 views

Habeenimadii xalay ayaa waxaa howlgalo qorsheeysan laga sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheeysan waxa ay ka sameeyeen degmada yaaqshid.

Waxaa lasoo warinayaa in howlgalkaas lagu soo qab qabtay dhalinyaro fara badan kuwaas oo ay ciidamadu su’aalo weeydinayeen.

Ciidamada xasilinta Caasimada Muqdisho ayaa habeenadii ugu dambeeyay howlgalo qorsheeysan waxa ay ka sameenayeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response