Faah-faahino dheeri ah oo ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay Muqdisho.

by Abdirashid Wanajiye | Tuesday, Oct 10, 2017 | 31 views

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax xoogan oo habeenimadii xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Waxaa lasoo warinayaa in qaraxaan lala beegsaday kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo marayay aga gaarka isbitaalka digfeer.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada waxaa la sheegay in ay fureen rasaas xoogan iyagoona kadib wadada xirtay.

Magaalada Muqdisho ayaa maal mahaan ka nasatay qaraxyada, iyadoona qaraxi xalay uu ahaa mid aanan geeysan wax qasaaro ah.

Like it? Share it!

Leave A Response