Dhagayso Afhayeenka Galmudug oo sheegay in Ciidamadu ay ku Sameeyeen Fal Ka baxsan Anshaxa

by Maxamed Daacad | Monday, Jul 2, 2018 | 119 views

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay) ayaa ka warbixiyay qaabkii ay ula dhaqmeen Ciidamo ka tirsan NISA, kaddib markii ay ka afduubteen agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Roob Da’ay ayaa sheegay in ciidamada ay kala dageen gaari uu watay, isla markaana ay geeyeen meel aanu garaneyn, isagoo indhaha laga xiray, waxaa uu tilmaamay in jirdil loo geystay.

“Ciidanka NISA waa i afduubteen, waxay i geeyeen guri mugdi ah, qoriwaxay igu amreen inaan dharka dhigo, qoryo ayay igu qabteen, dharka inaan dhigo ayay igu amreen, waana i sawireen”ayuu yiri C/llaahi Xaashi Roob Da’ay.

Waxaa uu sheegay in ciidamadii qabtay ay u sheegeen in haddii uu mar kale wax ka sheego Madaxda dowladda ay sawiradiisa ku faafinayaan baraha bulshada sida Facebook.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ay tahay wax ceeb ku ah dowladnimada iyo anshaxa suuban, waxaana ay ku baaqeen in baaritaan degdeg lagu sameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response