Dekkedda vs Waxool: Horyaalka Soomaaliya oo Maanta lasoo gabagabeynayo

by Mohamed | Wednesday, Aug 2, 2017 | 60 views

Kooxaha Dekedda fc iyo Waxool ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium kulankii ugu danbeyay oo horyaalka laga ciyaaro.

Kulan xiiso badan ayey wada yeelan doonan kooxaha Dekedda iyo Waxool si kale hadii loo dhigo waa ciyaar dhan faraxad u leh dhana murugo leh micniheygu waa kooxda Dekedda galabta waxaa farta laga saari doona horyaalka heerka koowad ee dalka Soomaaliya mudo kadib ayee ku guuleysatay kooxdan dhanka murugada waa Kooxda Waxool waxey ka ordeysa ineey dib ugu laabato horyaalka heerka 2-aad Waxool waxaa u furan labo wado iney badiso ama ineey bareejo gasho hadii Waxool laga badiyay waxey play of la ciyaari doonta kooxda Bariga dhexe.

Dekedda kulankii ugu danbeyay waxeey bar baro la soo gashay kooxda Banadir Sports Club kulan ku soo dhamaaday 1-1.

Kooxda Waxool ciyaartii ugu danbeysay waxeey ka soo badisay kooxda Jeenyo balse nasiib daro waxaa laga qaaday dhibcihii ciyaartas kadib markii lagu soo Eedeyay ineey ciyaartas aheyd mid musumaasuq oo ka baxsay xiirka kubad cagta Fair Play.

Waxool waxey ku jirta kala sareynta horyaalka kaalinta 8-aad iyada oo leh 11-dhibcood,halka Dekedda ay tahay hogaamiyasha horaalka waxeyna leedhahay 36-dhibcood.

Kulankii ugu danbeyay ay labadan kooxod isku arkan wajiga hore ee horyaalka waxaa guul soo gaartay kooxda Dekedda xili ay ugu soo awood sheegatay 7-1 kulan dhacay 14/03/2017.

Ogeysiis kulanka :
Tartanka: horyaalka Soomaaliya
Kooxaha: Dekedda fc iyo Waxool
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:00

W/D Cabdifitaax Nani

Like it? Share it!

Leave A Response