DEG DEG: Mareykanka oo liiska argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

by Hussein Mohamed | Friday, Jun 23, 2017 | 223 views

Dowlada Mareykanka ayaa liiska argagixisada ka saartay sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu oo loo yaqaanay Mansuur,sida lagu cadeeyay war saxafadeed ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo ay heshay VOA.

Mareykanka ayaa madaxa Abuu Mansuur dul dhigay 5 milyan oo pound markii uu ahaa Afhayeenka kooxda Al Shabab,waxa uu sido kale noqday ku xigeenkii hogaamiyihii hore ee Al Shabab Axmed Cabdi Godane oo sido kale loo yaqaanay sheekh Mukhtaar Cabdiraxman Abu Zubeyr.

Abuu Mansuur ayaa ku dhawaaqay horaantii 2012kii inuu isaga baxay kooxda Al Shabab,ninkan ayaa kamid ahaa madaxdii ugu sar sareysay ee Al Shabab.

Like it? Share it!

Leave A Response