DEG DEG: Dibad bax xoogan oo imminka ka socda agagaarka iskuul Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaran

by Hussein Mohamed | Thursday, Jun 1, 2017 | 216 views

Dibad xoogan oo ay soo qaban qaabiyen dadka ku nool xaafadaha ku dhaw dhaw iskuulka Maxamuud Axmed Cali ayaa imminka ka socda agagaarka dhismihii hore ee iskuulka oo hadda burbursan,gawaarida ayaana loo diiday iney isticmaalan wadada hormarta iskuulka ee ka timaada isgoyska Sanca.

Dad careysan ayaa gubaya taayaro iyo qashin ay dadka dibad baxayaasha ah goobta keenen,sida uu Garsoor u sheegay qof goob jooge ah.

Dadkan ayaa ka cabanaya go’aan ay dowlada Soomaaliya ku diiday side sheegen in dib u dhis lagu sameeyo iskuulka Maxamuud Axmed Cali oo kamid ahaa iskuuladii ugu weynaa ku yaallay magaalada Muqdisho waqtigii dowladii dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response