Dab xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Boosaaso.

by Abdirashid Wanajiye | Sunday, Oct 8, 2017 | 33 views

Faah-faahino kala duwan ayaa laga helayaa dab xoogan oo maqribnimadii xalay ka kacay xaafad ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waxaa lasoo warinayaa in dabka uu ka kacay duleedka dekedda magaalada Boosaaso, iyadoona goobta ay gaareen gawaarida dab damiska.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah iyo waxa sababay in dabkaas uu ka kaco xaruuntaasi oo la sheegay in ay eheed shirkad.

Like it? Share it!

Leave A Response