Cabsi xoogan oo lasoo daristay Odayaashii iyo Ergooyinkii soo doortay Baarlamaanka cusub

by Hussein Mohamed | Monday, May 1, 2017 | 328 views

Cabsi xoogan ayaa lasoo daristay qaar badan oo kamid ah Odayaashii dhaqanka iyo Ergooyinkii dhawaan qaar kamid ah gobolada dalka kusoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Dilal qorsheesan oo ka dhan ah Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Qaar kamid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka iyo Ergooyinkii soo doortay ayaa la dilay , waxaana hada cabsi badan dareemaya Odayaal iyo Ergooyin badan oo xarumaha Maamul goboleedyada kusoo doortay Xildhibaanada.

Al Shabaab ayaa shalay goob fagaare ah oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogteen Oday 82-sano jir ah ay sheegeen in uu kamid ahaa Odayaashii soo xulay Xildhibanaadii lagu soo doortay Baydhabo.

Magaalada Muqdisho ayaana maalmihii lasoo dhaafay lagu dilay Odayaal iyo dad kale oo la sheegay in ay ahaayeen Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaashii soo dhisay Baarlamaanka cusub ayaa kahor inta aan Baarlamanaka la dooran ahaa kuwa kor loo siday, hasa ahaatee markii dantii laga lahaa laga gaaray ayey noqdeen kuwa la iska hilmaamay, waxaana qaarkood waayeen noloshooda halka kuwa kalan ay hada cabsi kunool yihiin.

Al Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay in ay beegsan doonaan Odayaashii soo dhisay Baarlamaanka cusub iyo Ergooyinkii soo doortay , waxaana hada muuqata in beegsi gaar ah lagu hayo Odayaasha iyo Ergooyinkii Baarlamaanka soo dhisay.

Like it? Share it!

Leave A Response