Axmed Madoobe oo ku dhawaaqay Howlgal Al shabaab looga Saarayo gobolka Jubadda Hoose

by Mohamed | Tuesday, Aug 1, 2017 | 1110 views

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay ciidamadda Maamulkaasi la sameeyo howlgal Al shabaab looga nadiifinayo gobolka Jubadda Hooose.

Axmed Madoobe ayaa xusay in loo baahan yahay in deegaanadda maamulka Jubbaland aan lagu arkin dagaalame ka tirsan Al shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu shaaciyay in dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay ku dadaalayaan in Askari kasta uu qaato xuquuqdiisa loona baahan yahay in ciidamadda iyaguna ay kasoo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa hadalkaasi sheegay mar uu la hadlayay Ciidamo ku sugan Xeradii hore ee ciidamadda cirka ee madhamaato.

Like it? Share it!

Leave A Response