Antoine Griezmann oo ugu cad cad badalka Neymar

by Mohamed | Tuesday, Aug 1, 2017 | 56 views

Barcelona ayaa eegi doonta soo xero galinta saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann si uu badal ugu noqdo wiilka xeyn daabka ugu jiro PSG-ee Neymar, Sida ay werisay SPORT.

Wararka ayaa sheegaya in Blaugrana ay lumin kareyso soo xero galinta Neymar waxaana jira liis kooban oo ay ku jiraan magacyadda ciyaaryahano badal u noqon kara , waxaana kamida ciyaaryahanka Borussia Dortmund Ousmane Dembele iyo PSG wiilkeeda ee Angel Di Maria.

Balse Barca ayaa la werinayaa in Griezmann ay u aragto badalka ugu haboon laacibka reer Brazul maadaama uu garanayo ka ciyaaritaanka horyaalkaLa liga.

Kooxda Atlettico ayaa ka biyo diidan in ay fasaxaan laacibkooda reer France, waxaana heshiiska laacibkaasi lagu burburin karayaa aduun lacageed gaaraya €200m.

 

Like it? Share it!

Leave A Response