Agaasime Koofi oo booqday Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

by Abdirashid Wanajiye | Monday, Oct 9, 2017 | 45 views

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan
Koofi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararku waxa ay sheegayaan in agaasimaha uu kormeeray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso sida uu u shaqeeyo.

Sidokale waxa uu bogaadiyay shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response