92 Xildhibaan oo mooshin ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo

by Garsoor | Sunday, Dec 9, 2018 | 183 views

Ku dhawaad 92 xildhibaan ayaa maanta saxiixay mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka gudbiyen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo ayaa Ku eedeyay qayaano Qaran iyo inuu jibiyay sharciyo dastuuri ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxman ayaa maanta qabtay mooshinka.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraya in madaxweynaha ay mooshin xil ka qaadis ah ka gudbin karaan seddex meelood hal meel guud ahaan xildhibaannada baarlamaanka.

Maxkamadda Dastuuriga oo ay ahayd in ay dooddan go’aan ka gaarto weli ma dhisna,tani ayaana difaaci karta madaxaweyne Farmaajo meeshana ka saari karta mooshinka.

Like it? Share it!

Leave A Response