Maamulka Somaliland oo sheegay tirada dadka codeeynaya doorashada.

by Abdirashid Wanajiye | Tuesday, Oct 10, 2017 | 112 views

Waxaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay tirada dadka qaatay kaararka codbixinta maamulka Somaliland.

Masuuliyiinta Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaana ku dhawaaqay in ay kaararka qaateen dad gaaraya 704,089.

Waxa ay sheegeen in dadkaas ay ka codeeyn doonaan 1642 xaruumood kuwaasi oo ku yaala ilaa iyo 21 degmo.

Waxaa lagu wadaa in 13-ka bisha soo socota ee November ay dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulka Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response