100 Xildhibaan oo mooshin ka gudbiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

by Garsoor | Wednesday, Mar 14, 2018 | 204 views

100 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa saakay mooshin ka gudbiyay gudoomiyaha aqalka hoose,Maxamed Cismaan Jawaari.

Xildhibaanadan, oo badankooda ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee uu Jawaari u dhashay, ayaa ku eedeynaya gudoomiyaha inuu jibiyay sharciyadii xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim ( Muudey) oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa mooshinkan ka qabtay xildhibaanada.

Xildhibaan Cumar Cali oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in sido kale uu socdo mooshin laga wado ra’iisul wasaare,Xasan Cali Khayre.

Like it? Share it!

Leave A Response